Uncategorized

Ciidamada amaanka Puntland oo Garowe ka sameeyay howlgal ka dhan gaadiidka miraayadaha madow leh.

Garowe-KNN-Ciidanka Amaanka maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi waxaa ay ka sameeyeen howlgallo ka dhan gaadiidka leh miraayadaha madow.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame (Galangooli) ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland ay Xoojiyeen howlgalada ay kula dagaalamayaan Kooxaha ku howlan Falalka amni darrada ah ee ka dhaca Magaalada Garoowe.

Howgalada waxaa qayb ka ah ol-ole ka dhan ah Gawaarida Miyaaradaha Madoow ee Beensalka ah, iyagoona ka fiiqaya Gawaarida Miyaaradaha Madoow ee Baraha Kontoroolka lagu qabto.

Taliye Faarax ayaa sheegay in howlgalka Xooggiisa ay sameeyaan Xiliyada Habeenkii oo dhacdooyinka badankood ay ka dhacaan Deegaanada Maamulka Puntland.

Waxa uu tilmaamay in Ciidamada lagula xisaabtamayo falalka amniga liddiga ku ah ee ka dhaca Gobolka Nugaal, gaar ahaan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Shaqsiyaadka Ciidamada ay Howlgalka kusoo qab-qabteen waxa uu Taliyaha Booliiska Gobolka Nugaal sheegay in uu ku jiro nin dil u geystay Todobaadkii hore wiil Dhalinyaro ah.