Somali News

Ciidamada amaanka Puntland oo soo qabtay rag dil iyo dhac ka geystay gobolka Sanaag

Garowe-KNN-Ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay maleeshiyaad hubeysan oo shalay dil iyo dhac ka geystay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag.

Ragga lagu soo qabtay howlgalka ay sameeyeen ciidamada ayaa tiro ahaan gaaraya illaa labo qof, kuwaas oo lagu eedeeyey inay shalay toogasho ku dilay marxuum Cabdiwahaab Cawil, waxay kala degeen gaari uu watay oo marayey inta u dhaxeysa deegaannada Cawsane iyo Midigale ee gobolka Sanaag.

Saraakiisha ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaarigii ay kooxdani ka dhacday marxuumkii ay shalay dileen, kaas oo markii ay dileen kadib ay horay usii kaxeysteen.

Saraakiishaan ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay ku raad joogaan seddax nin oo kale, kuwaas oo ka tirsanaa kooxdii shalay dilkaas geysatay.