Uncategorized

Ciidamada amaanka Soomaaliya oo qabtay qarax loo waday Gudaha Kenya.

Belad-xaawo-KNN-Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay qabtayn qarax loo waday Gudaha Kenya kaas oo laga gudbinayay Xadduuda Soomaaliya ay Kenya kala wadaagto ee Gobalka Gedo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Degmada Belad-xaawo ee Gobalka Gedo ayaa KNN u sheegay in Ciidamada amaanka ay qabtayn Qarax Miino oo loo waday dalka Kenya, kasoo oo laga qabtay duleedka degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

Jubbaland ayaa xaqiijisay in Qaraxaasi ay ku qabteen Hawlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka Soomaaliya, waxa ay sheegeen inay u suuragashay ka hortagga qaraxaasi oo la rabay in gudaha Kenya la galiyo.