Somali News

Ciidamada AMISOM oo lagu qarxiyay Shabeellada dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, gaar ahaan Burundi maanta lagu qarxiyay degaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahaday ee gobolka Shabeellada Dhexe

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino, iyadoona uu qaraxa ka dhacay meel beero ay ku yaallaan, islamarkaana ay Ku sugnaayeen dad Shacab ah.

Wariyaha KNN ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM inta aan lala eeganin Qaraxa ka hor ay qarxiyeen Qarax Miino oo la dhigay wadada dhinaceeda

Wararka ayaa intaasi waxaa ay Ku darayaan in qaraxa lala beegsaday mid ka mid ah gawaarida ciidamada AMISOM.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in qaraxa kadib ay Ciidamada AMISOM fureen rasaas xoogan, iyadoona rasaastaasi ay Ku dhinteen laba qof oo beeraley ah.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka AMISOM iyo kuwa gobolka Shabeellada Dhexe