Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya duleedka Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in qarax miino Ciidamada AMISOM Deegaan lagu magacaabo Gololey.
Kolonyada Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah AMISOM ayaa waxaa la sheegay in ay ka ambabaxeen Magaalada Balcad, iyagoona ku sii magaalada jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Qarax ayaa la tilmaamay inuu qabsaday mid ka mid ah Gawaaridda Ciidamada Burundi , iyadoona la soo warinayo waxyeelo uu soo gaaray, inkastoo ilaa iyo hada aan la ogaan, sida uu soo sheegay wariyaha KNN ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa ilaa hadda wax faah faahin ah ka bixin qaraxan miino ee ciidamadooda lagula eegtay deegaanka Gololey.
Inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka shabeellaha dhexe ayaa marar badan waxaa ka dhacay weeraro noocan oo kala ah oo la eegto Ciidamada AMISOM.


