Somali News

Ciidamada AMISOM oo saakay miino baaris ka wada wadada isku xirta Balcad iyo Muqdisho.

Balcad-KNN-Ciidamada xoogga iyo kuwa AMISOM  ayaa saakay xiray wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad, kadib markii shalay qarax miino lala eegtay ciidamo  ka tirsan Militariga Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in Dhaq dhaqaaq xooggan ayaa saakay laga dareemayaa wadada isku xirta Magaalooyinka Balcad iyo Muqdisho.

Qaraxa shalay  ayaa haleelay  mid kamid ah gawaarida dagaalka AMISOM ,waxaana ka dhashay  khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada AMISOM  ayaa saakay la soo sheegayaa in ay wadadaasi ay miino  baaris ah ka wadaan, islamarkaana gaadiidka iyo dadka u diidaya in ay halkaasi isticmaalaan.

Dhinaca kale maalmo ka hor ayey aheyd markii Al-shabaab ay jidka u galeen kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM, kuwaasi oo saldhig ku leh deegaanka Golelay ee gobalka Shabeellada Dhexe .

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen 14 askari oo ka tirsan ciidamada  dalka Burundi.