Somali News

Ciidamada Ammaanka Jubbaland oo Fashiliyay Miinooyin dhulka lagu Aasay

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Jubbaland  ay fashiliyeen Miinooyin lagu aasay  Tuulooyin  hoos yimaada Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose

Tuulooyinkaasi ayaa waxaa lagu magacaabaa Bangeeni iyo Koban oo hoos yimaada Degmada Jamaame ee Jubbada Hoose xilli ay halkaas ka wadeen Ciidamada Amniga Jubbaland hawlgallo amni xaqiijin ah

Dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa la sheegay in ay Miinooyinkaasi wadooyinka geliyeen kuwaasi oo ay doonayeen in ay ku waxyeeleeyaan Shacabka  iyo Ciidamada Jubbaland xilliyada ay adeegsanayaan waddooyinkaasi

Ciidamada Amniga Jubbaland ayaa marar badan oo hore waxa ay fashiliyeen sidan oo kale Miinooyin Al Shabaab ay galiyeen wadooyin muhiim ah ee Gobolada  Jubbooyinka