Somali News

Ciidamada Ammaanka mudug oo soo bandhigtay Khamri faro badan.

Muqdisho-KNN-Sida ay Xaqiijiyeen Goobjoogeyaal la hadlay KNN Ciidanka Ammaanka Gobolka Mudug ayaa hawlgalo qorsheysan ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo, iyagoona kusoo qabtay 20 kartoon iyo gaari waday khamro la doonayay si dhuumaalaysi ah in looga ganacsado.

Waxa ay sheegeen dadka ka hadlay KNN in  Kooxihii waday khamrada iyo Ciidanka booliska ay dhexmartay israsaasayn kooban, in kastoo aan ka shaacin Khasaaraha ka dhashay Isrisaaseynta dhexmartay kooxa hubeeysan iyo Ciidamada Ammaanka Gobolka Mudug.

Hawlgalka Khamriga lagu qabtey ayaa ka dhacay galbeedka magaalada Gaalkacyo Waxaana Ciidamada Amaanka ay shegeen in ay Warbaahinta usoo bandhigi doonan Sida ay wax u dhaceen.

Lasoco Faah-faahinta.