Somali News

Ciidamada Ammaanka oo baadi goobaya Nin walaalkiisa ku dilay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Dhacdadan  lagu dilay Ninka waxaa ay ka dhacday Xaafada Sanca ee Degmada Kaaraan Ee G/Banaadir.

Ninka dilka geystay ayaa la sheegay in Walaalkiisa oo ay ilmo Abti  ahaayeen uu ugu tegay Gurigiisa kuna dhuftay 8 Xabadood,kadibna uu baxsaday.

Ciidamada Ammaanka ayaa Xaafadaha Degmada Kaaraan ka baaritaano lagu baadi-goobay ninkii dilaas geestay

Qof deris la ah wiilka la dilay ayaa KNN waxa uu u sheegay in Ninka wax dilay uu Ninka kale ku lahaa deyn,isla markaana uu muran soo kala dhex galay islamarkaasina uu xabado ku dhifaty isla goobtiina uu ku geeriyooday.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahani dambe waxaa kusoo badanaye dhacdooyinka nuucaani oo kale ah,inkastoo ciidamada ammaanka degmada kaaraan ay wadaan howlgallo lagu baadi-goobay gacan ku dhiiglihii dilkaas geestay.