Somali News

Ciidamada ammaanka oo baaritaano ka sameeyay Muqdisho

Ciidamada dowladda Soomaiya ayaa Xalay howgalo baaritaano ah ka sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Wartanabadda, Howlwadaag iyo Hodan ee gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in howlgalada ay ku sameynayeen baaritaan la xiriira guri guri, islamarkaana si gaar ah baaritaano dheeraad ah waxay ugu sameynayeen dhalinyarada.

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ku saabsan howgalada iyo baaritaanada ay xalay ka sameyeen xaafado ka tirsan Hodan iyo Wartanabadda ee magaalada Muqdisho.