Somali News

Ciidamada ammaanka oo bilaabay baaritaano looga hortagayo falalka amni daro ee ka dhaca Muqdisho

Ciidamad Ammaanka ayaa maalmahan magaalada Muqdisho ka bilaabay baaritaano ay ku xoojinayaan ammaanka caasimada, kadib falal amniga lid ku ah oo ku soo noqnoqday magaalada.

Howlaha baaritaanada ey ciidamadu wadaan ayaa xoogooda ka socday wadada maka Al mukaramah, iyadoo baraha Kontoroolada ee ciidamada la lagu feelinayay gawaarida yar yar si loo hubiyo.

Sidoo kale howl galada baaritaanada ayaa ka dhacay isgoyska Banaadir,Baar ayaan, Albaraka, iyadoo ay kormeer ku tageen saraakiil ciidan oo uu kamid yahay Af-hayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliya Saadaq Aadan Cali.

Afhayeenka Ciidanka Booliska oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka howlgaladan uu yahay sugida amniga caasimada Isla markaana Shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada.