Somali News

Ciidamada ammaanka oo bilaabay howgal lagu soo qabanayo rag dil ka geystay duleedka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Ciidamada Booliiska maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka ee dhawaan la keenay magaalada Dhuusamareeb ayaa saakay waxa ay bilaabeen howlgal lagu soo qabanayo rag dil ka geystay miyiga magaalada Dhuusamareeb.

Habeen ka hor ayaa koox hubaysan oo jid gooyo dhigatay inta u dhaxeysa deegaanada Mareergur iyo Godin-labe oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb waxa ay rasaas ay ku fureen gaari ka yimid Muqdisho kuna sii jeeday Gaalkacyo, waxayna halkaas ku dileen labo ruux, halka uu ku dhaawacmay rasaastaas darawalkii gaariga.

Ciidamada oo wata gaadiid dagaal ayaa saakay waaberigii hore ka baxay magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo isku faafiyay dhulka miyiga ah iyo deegaanada hoos yimaada magaalada Dhuusamareeb, waxayna dadka waydiinayaan su’aalo ku aadan waxa ay ka ogyihiin halka ay aadeen ragii gaystay dilkaas.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in raga dhigtay jid gooyada ee dilka u gaystay dadkaas ay wateen gaari, isla markaana ay u baxsadeen dhanka deegaanka Gadoon oo qiyaastii 30-KM bari kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.