Somali News

Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay Nin dil ka geystay Caabud-waaq

Wararka ka imaanaya degmada Caabud-waaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in degmadaas Xaafad ka tirsan uu Nin hubeysan ku dilay Nin lagu Magacaabi jiray Bare Cali Maax.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in marxuumka dilka loogu geystay xalay Xaafada waabari gaar ahaan laanta hawada oo ka tirsan Dagmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, balse dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamada Ammaanka degmada, kuwaas oo la sheegay in daqiiqado kadib ay gacanta ku dhigeen Ninkii dilka geystay oo lagu magacaabo Cabduqaadir Cali Muuse lana qabtay xilli uu doonayay in uu baxsado.

Maamulka degmada iyo kan laamaha ammaanka faah faahin rasmi ah kama aysan bixin dhacdada dilka, balse waxay sheegeen inay wadaan baaritaano la xiriira dilka iyo sababta keentay.