Uncategorized

Ciidamada Ammaanka oo Saakay Xiray qeyb kamida Wadooyinka Muqdisho

Muqdisho–KNN– Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Saakay Xiray Wadooyin Muhiim ah oo ku yaalla Magaalada Muqdisho,waxaana ay ka wadaan Baaritaano,iyadoo aysan Wadooyinkaas aysan isticmaaleyn Gaadiidka dadweynaha.

Wadooyinka xiran waxaa ka mida Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho,Zoobe iyo Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan.

Howlgalkaan ay wadaan Ciidamada Ammaanka ayaa imaanaya Xilli Xalay Ciidamada NISA ay Xalay Weerar ku qaadeen Guriga Siyaasiga C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.