Somali News

Ciidamada ammaanka oo xalay xiray weriyaal ka howgala Dhuusamareeb

Maamulka Galmudug ayaa xalay xiray labo Wariye oo ka howgala magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulkaas.

Labada Wariye oo degaanada Galmudug caan ka ah ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdiwali Tooxow iyo Cabdullaahi Warsame Rooble.

Wariyeyaasha ayaa shalay iska soo duubay muuqaal ay ku soo bandhigeen in dil iyo xarig ay ugu hanjabeen xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa hadal uu maalin ka hor ka jeediyay kulan tacsi ah oo Gaalkacyo ka dhacay ka sheegay in aan loo dulqaadan karin cidda tabisa wararka Al-shabaab.

Soomaaliya ayaa lagu dhibaateeyaa shaqaalaha warbaahinta, waana meesha ugu halista badan adduunka ee suxufi ka shaqeeyo.