Kismaayo-KNN-Ciidamada Gaarka ah ee Maamulka Jubbanland ayaa waxa ay Howlgallo saacado bdn qaatay ka sameeyeen xaafado Ka tirsan Magaalada Kismaayo oo xarun Kumeel gaara u ah Maamulka Jubbaland.
Howlgalkan oo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayo ayaa waxaa inta uu socday Ciidamado ay Baaritaan ku sameenayeen Guryaha iyo Gaadiidka Dhex mara Kismaayo Waxa ayna Ciidamu gacanta kusoo dhigeen Rag La Sheegay in ay ku Gufa jireen isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya Si gaar ah xashiishka iyo Calaqa.
Tarada Ragga la soo qabtay ayaa gaaraya 8 ruux sida Uu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidamada Gaarka ah ee Maamulka Jubbaland Maxamed Cabdullahi Kureet marka uu howlgalku Soo gabagaboobay Ka dib,waxaa uuna sheegay in la dagaalami doonaan cidkasto qeyb ka qaadanaysa Falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Kismaayo.
Dhawaan ayay aheyd Markii uu wasiirka amniga Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada maamulkaasi kulan amniga deegaanada jubbaland looga arinsanayo ay ku yeesheen magaalada Kismaayo, isla markaana Ugu dambeyn Ciidamad gaar ah loo sameeyay Howlgallada deegaanadaasi


