Somali News

Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay askari dil ka geystay Dhuusamareeb

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Askari ka tirsan isla Ciidamada,kaas oo xalay Magaaladaasi ku diley qof Shacab ahaa.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jirey Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Siigaale) .

Dilka wiilka ayaa waxaa uu yimid,kadib markii Mooto uu saarnaa ay jirtay goob ay Ciidamada Gaadiidka ku hubiyaan taasi oo keentay in askariga uu rasaas ku furo.

Askariga rasaasta ku furey Mootada uu isku dayey in uu baxsado ayaa waxaa durbadiiba gacanta ku dhigay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya