Howl galo qorsheysan oo ay ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ka sameeyeen wadada xiriirisa Siinka dheer iyo Ceelasha biyaha ayaa waxaa lagu fashiliyay Miinooyin nooca Dhulka lagu aaso ah kuwaasi oo la dhigay inta u dhaxaysa labadaasi deegaan.
Ma jirto wax qasaare ah oo ka dhashay howlkaan waxa ayna ciidamada oo xogta ka helay shacabka deegaanka ku guuleysteen in ay soo saaraan dhamaan miinooyinkaasi Al-shabaab dooneysay in ay shacabka ku dhibaateyso.
Saraakiisha hogaamineysay howlgaladaan ayaa sheegay in dadka deegaanku u soo gudbiyeen xogta ku saabsan dagaalamayaasha Al-shabaab ee doonayay in ay shacabka soomaaliyeed ee wadadaasi ku safra miinooyinka ay wadada galiyeen.





