Somali News

Ciidamada amniga oo Muqdisho ka qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo burcad Hubeysan

Muqdisho-KNN-Ciidamada ammaanka ee dowladda soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ay ka sameeyeen magaalada muqdisho waxaa ay kusoo qabteen rag lala xiriirinayo Al-shabaab iyo waliba burcad.

Degmada Warta nabadda ayaa lagu sheegay howlgal laga sameeyay xalay in lagu soo qabtay saddex ruux oo lagu tilmaamay inay ahaayeen burcad hubeysan, kuwaasi oo dhac ka geysanayay gudaha degmadaasi.

Howlgalkan ayaa lagu sheegay inaysan shacabka soomaaliyeed ka soo gaarin wax dhibaato ah, maadaama iska horimaadka koobaan uu ka dhacay Degmada.

Sidaan oo kale ayaa habeenno ka hor waxaa howlgal Khasaaro ka dhalatay laga fuliyay degmada Hodan ee gobalkaan banaadir kaddib markii rag dhac geysanayay ay is qabteen ciidamada ammaanka, iyadoona  markii dambe hal burcad ah gacanta lagu soo dhigay halka midka kalena lagu sheegay inuu baxsaday.

Dhanka kale War qoraal ah oo bartiisa facbook-ga uu ku soo qoray guddoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayuu ku sheegay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen degmada Kaxda laba ruux oo Al-shabaab lagu sheegay kuwaasi ayaa lagu tilmaamay inay u shaqeynayeen idaacadda ku hadasha afka al shabaab ee ANDULUS loo yaqaanno.

Raggaan ayaa lagu sifeeyay in laga soo dhex qabtay masaajid Kaxda ku yaalla kaddib markii shacabka degmadaasi ay ku wargeliyeen ciidamada ammaanka sidaa waxaa sheegay guddoomiye Yariisoow.