Uncategorized

Ciidamada amniga oo Muqdisho ku toogtay Nin hubeysan.

Muqdisho-KNN-Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa galabta degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir ku toogtay wiil dhalinyar ah oo Bastoolad ku hubeysan kaasoo dhaawacay Askari ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Toogashada ninkaan la sheegay inuu dagaalame Shabaab ah iyo dhaawaca Askariga ayaa ka dhacay Xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid waxaana warbaahinta usoo bandhigay Maamulka gobalka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee Maamulka Gobalka oo gaaray goobtaas ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada ay ku guuleesteen toogashada Dagaalamahaan ka tirsan Al-shabaab oo dhaawacay Askari ka tirsan Ciidamada Qalabka sida sida uu sheegay Gudoomiye Tuulax.

Bishii hore ayay aheyd Markii ay Al-shabaab Askari iyo Sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya ay dil iyo dhaawac ugu geesteen Xaafadaasi.