Somali News

Ciidamada amniga oo qaar kamid ah degmooyinka G/gobolka banaadir ka sameeyey howlgalo amniga lagu xaqiijinaayo

Saacadihii la soo dhaafay ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo culus ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Howlagaladaan oo ahaa kuwo lagu xaqiijinayo ammaanka degmadaas ayaa meelaha qaar waxay ciidamadu u sameynayeen guri-guri, waxaana laga baarayey Al-shabaab iyo tuugada dadka shacabka ah ka dhacda agabkooda.

Ciidamada ammaanka ayaa habeenadii lasoo dhaafay waxay degmooyinka gobolka banaadir ka wadeen howlgallo culus oo ka dhan ah Al-shabaab iyo burcadda, waxaana weli caasimadda ka socda howlgalladaas ay wadaan ciidamada DF.

Degmooyin ay ka mid yihiin Boondheere, warta Nabadda, Hodan iyo Deyniile ayey habeenadii la soo dhaafay ciidamada ammaanku ka howlgaleen kuwaas oo lagu soo qabqabtay inta badan raga dhaca u geysta shacabka.

Sidoo kale howlgalladaan waxay ku soo aadayaan iyadoo dalku uu galay xilli doorasho, isla markaana hey’adaha ammanka Soomaaliya ay muujinayaan feejignaan dheeri ah oo ku aadan dhanka amniga.