Somali News

Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Al-shabaab ee maanta

Muqdisho-KNN-Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa goordhow soo gaba-gabeeyay weerar ku bilaawday Qaraxyo oo ay maanta Al-shabaab ku qaadayn xarumo wasaaradeed oo ku yaala degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay toogtayn 4 kamid ah 5 ruux oo weerarka soo qaaday halka midka 5aad-na la sheegay in uu ku dhintay Qaraxii ugu horreeyay ee lagu dhuftay dhismaha difaaca Ciidamada ilaaliya Wasaradaha la weeraray.

Mas’uuliyiin katirsan hey’adaha amniga ayaa sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay gaarayaan ilaa shan ruux ayna soo gaba-gabeeyeen weerarkii ay soo qaadayn Al-shabaab.

Dad shacab ah ayaa ku dhintay iyo sidoo kale Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobalka Banaadir.

Dadka ku dhintay waxaa kamid ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Saqar Ibraahim Cabdalla iyo dad kale oo shacab ah. Mas’uuliyiinta gaadiidka gurmadka deg degga ah ee Aamin Ambulance ayaa sheegay in ay qaadayn 11 qof oo dhaawacyo ah.