Muqdisho-KNN-Axmed Xasan Maxamuud Gudoomiyaha degmada yaaqshiid ee Maamulka Gobalka Banaadir ayaa Idaacadda Kulmiye faah faahin ka siiyay Qof loo soo qabtay dil ka dhacay Xaafadda Sanca dhinaca degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay dhinaca kaaraan Balse Ciidanka amaanka ee degmada yaaqshiiid ay qabteen wiil dhalinyar ah oo la aaminsan yahay in uu ka tirsanaa kooxdii dilka fulisay kaas oo ku baxsanayay Xaafadda Sanca gaar ahaan dhinaca degmada yaaqshiid halka dilkana uu ka dhacay dhinaca Kaaraan.
Alle ha u naxariistee Marxuumka la dilay oo ahaa nin oday ah ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Ganacsatada Sanca waxa uuna lahaa Bakhaar lagu iibiyo qalabka dhismaha sida ay sheegeen dadka deegaanka Sanca iyo Laamaha amaanka.
Lama oga ilaa hadda Sababta loo dilay Marxuumkaasi balse dilka ayaa ku soo beegamaya Xili maalmihii la soo dhaafay xaaladda Magaalada Muqdisho ay aad u daganeed marka laga hadlo dilalka Nuucaan oo kale ah waxaana ugu danbeeyay dilkii loo geestay Gudoomiyihii Gudiga Garsoorayaasha Soomaaliya ee ka dhacay Xaafada Xamar Bile ee Magaalada Muqdisho kaas oo dhacay 10 Cesho ka hor.