Uncategorized

Ciidamada Amniga oo tagasho ku dilay Rag hubeysan oo ku sugnaa Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Inta la xaqiijiyey labo qof ayaa ku dhintay tiro kalane way ku dhaawacmeen kadib Howlgal ay Ciidamada amaanka xalay ka sameeyeen degmada Waabari ee gobalka Banaadir.

Dadka dhintay ayaa kala ahaa qof Shacab ah iyo nin Bastoolad ku hubeysnaa oo ay Ciidamada ku daba jireen, sidoo ninka la toogtay ayaa la sheegay inuu Bam Gacmeedyo ku hubeesnaa.

Guddoomiyaha degmada Waabari Rowda C/llaahi ayaa Warbaahinta u sheegtay in Ciidamada amniga ay ku guuleesteen ka hortagga rag hubeysan oo damacsanaa in shacabka  ay dhibaateeyaan.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka Gobalka Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa sidoo kale Wariyiyaasha u sheegay in ninka la toogtay uu ka mid ahaa dadka dilalka ka fuliya magaalada Muqdisho.