Uncategorized

Ciidamada amniga oo xalay qab qabtay dhalinyado ay ku eedeeyeen falal amni daro ah

Muqdisho-KNN-Ciidamada amaanka ee Dowlada Soomaaliya ayaa xalay waxay baaritaano lagu xaqiininayo amniga ka sameeyeen degmooyinka Shibis iyo Xamar weyne ee gobolkaan Banaadir.

Baaritaanadaas ayaa yimid kadib markii degmada Shibis ay ciidamo nabad sugid ah xalay fiidkii lagu tuuray Bam gacmeed halka degmada Xamar weyne lagu dilay gudoomiye waaxeed katirsan degmadaasi mid kalane lagu dhaawacay.

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada ee maamulka gobalka Banaadir Maxmaed Cabdullahi Maxamed Tuulax oo warbaahinta ugu warbixiyay Baaritaanada lasameeyeen  ayaa sheegay in lagu qab qabtay dhalinayaro fara badan oo loogu shakiyay inay ka tirsanyihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.

Gudoomiye Tuulax ayaa sidoo kale tilmaamay in hadda dhalinyaradaasi lagu wado baaritaano isla markaana dib Warbaahinta ay kala wadaagi doonaan wixii ka soo baxa baaritaanadaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii dambe waxaa ka dhacay falal amniga daro ah, waxaana maalmulka gobolka Banaadir iyo mas`uuliyiinta kale ee Dowlada ay sheegaan in ay ka hortagi doonaan dhacdooyinka amni darada la xariira.