Somali News

Ciidamada amniga Puntland oo gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland  ayaa hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Bari.

Deegaanada Howlgalada laga sameeyay ayaa waxaa ka mid ah ku tegay Karin iyo buuraleyda Ceel Onkud iyo Muguc.

Degaanadan ciidamadu hawlgalka ka sameeyeen oo 45km ka xiga dhanka koofur bari  magaalada Boosaaso waxaa saldhigyo ciidan ku leh ciidamada difaaca Punland ee dagaalka kula jira  ee Al Shabaab iyo Daacish.

Howlgalka inta uu socday ayaa waxaa gacanta lagu dhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish, sida ay sheegeen saraakiisha Maamulka Puntland