Somali News

Ciidamada Amniga Puntland oo qabtay xubno ka tirsan Daacish

Ciidanka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland ee PSF oo magaalada Boosaaso ka fuliyay hawlgal lagu xoojinayo amniga magaalada ayaa soo qabtay xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in Ujeedka howlgalka ahaa raad-raaca tuhmanayaasha lasoo qabtay oo la aaminsan yahay in Daacish ay u qaabilsan yihiin hanjabaada ganacsatada deegaanka.

Ciidanka ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan saddex qof oo looga shakisan yahay ku lug lahaanshiyaha kooxdaasi Daacish, inkasto aysan weli warbaahinta u soo bandhigin.