Somali News

Ciidamada Amniga Puntland oo waxyaabaha qarxa iyo raggii watay ku soo qabtay Boosaaso.

Boosaaso-KNN-Wararka Ka imaanaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada amniga xalay ay baaritaano ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay Magaaladaasi.

Baritaanka ayaa la sheegay in lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa iyo raggii watay, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Maamulka Puntland.

Saraakiisha amniga ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in arintan ay kaga golleeyihiin sidii ay ugu hortagi lahaayeen falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari, maadaama lagu gudaha jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ciidamada amaanka ayaa kordhay baaritaanada ay ka wadaan Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Gobalka Bari qeybo ka mid ah waxaa xilligan maamula dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish, iyagoona mararka qaar qaraxyo iyo dilal ka fuliya Magaalada Boosaaso.