Uncategorized

Ciidamada Asluubta oo maanta u dabaal dagaya sanad guuradii 48aad ee ka soo wareegatay markii la`aas aasay.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Asluub Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal dagayo 48-sano guuradii ka soo wareegatay Aasaaskooda, iyadoo munaasabado loogu dabaal dagayo maanta ay ka dhacayaan magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeyb galaya masuuliyiin kala duwan oo ka socota Dowlada fedraalka Soomaaliyeed, wasiiro, xildhibaano, taliyaal iyo xubna kale oo qeyb ka noqon doono.

Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac  ayaa hambalyo u diray ciidamada asluubta Soomaaliyeed oo maanta u dabaal dagaya sanad guuradoodii 48aad.

“Sanadguurada 48aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta u dabaal dagaya owgeed, waxaan Hambalyo leeyahay, Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda dableyda Ciidanka Asluubta, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed inay horumar ku gaaraan sanadkan kiisa kale” ayuu yiri Sareeyo Guud Bashiir.