Uncategorized

Ciidamada Badda Soomaaliyeed oo Maanta u dabaal dagaya sanad guuradoodii 53aad.

Muqdisho-KNN-Maanta ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya munaasabado lagu xusaayo sanad guuradii ka soo wareegatay xiligii la aas aasay ciidamada Badda ee Soomaaliya.

Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa la aas aasay sanadkii 1965 oo ay ka soo wareegatay 53 sano.

Maanta ayaa munaasabado lagu weyneynayo 53 guuradii ka soo wareegatay aas aaska ciidamada Badda waxay ka soconayaan qeyb ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan ayaa waxaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan, Wasiiro, Xildhibaano ka kala socda labada aqal ee Barlamaanka, Masuuliyiin oo ka tirsan Dowlada Fedraalka Soomaaliya, iyo Saakiish ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.