Uncategorized

Ciidamada Booliiska oo soo qabtay dhalinyaro dhac lagu eedeeyay

Muqdisho-KNN-Ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay laba wiil oo dhalinyaro ah oo watey bistoolado been abuur ah oo laga sameeyey Alwaax, waxaana  sidoo kale goobta lagu soo bandhigay qaar ka mid ah Mobeelo la sheegay in ay dadka Shacabka ah ka dhaceyn.

Iyagoona ragaan lagu eedeeyay in xiliyada habeenkii ah dadka ku nool degmada Wartanabada ay kaga dhacayeen moobailada iyo waxyaabaha kale ee dadka ay sitaan.

Goobta lagu soo bandhigayay ragaas waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho En,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, gudoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Maxamuud Warsame Xaabseey iyo saraakiil ka socotay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Maxamuud Warsame Xaabseey ayaa sheegtay in shacabka ku nool Xaafadaha degmada Wartanadbada ay ka qeyb qaateen soo qabashada raggaas burcada ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho En,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa isna dhankiisa sheegay raga lasoo qabtay in dhawaan la horgeyn doono sharciga islamarkaana waxa ay ka mutaan ay qaadan doonaan.

Sidoo kale gudoomiye yariisow ayaa ugu baaqay shacabka muqdisho ku nool  inay la Shaqeyaan hey,adaha amniga sugidiisa ku howlan. dowladda,isla markaana raggaas cadaalada lahorgeyn doono.

Sikastaba tiro dhowr jeer ayaa howlgallo ay ciidamada booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa waxa ay ku soo qabteyn rag sidaan oo kale dhac uga geysanayey dad shacab ah.