Somali News

Ciidamada Booliiska oo xalay baaritaano ka sameeyay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya ayaa xalay baaritaano ka sameeyay xaafado kamid ah degmooyinka Howl-wadaag iyo Wardhiigley ee Gobalka Banaadir 24 saac kadib markii uu Guddoomiyaha Gobalka ku dhawaaqay howlgalo laga sameyn doono magaalada Muqdisho.

Ciidamada xalay ayaa u dhacayay xaafadaha, iyagoo guryaha u galay qoysas badan. Dhowr qof oo dhalinyaro badan ayaa lagu qabtay howlgalka waxaana la sii daayay in badan oo kamid ah.

Xaafadaha ay Ciidamada baarayn ayaa ah kuwa ku teedsan Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho mana jirto wax faah faahin ah oo ay howlgalkaasi ka bixiyeen mas’uuliyiinta amniga.