Uncategorized

Booliiska Sacuudiga oo baaraya Diyaarad Drones oo xalay ay ku soo rideyn Riyadh

Muqdisho-KNN-Ciidamada Booliiska dalka boqortooyada Sacuudiga ayaa faafaahin ka bixiyay Rasaas xalay laga maqlayay magaalada Riyadh iyo Diyaarad Drones ah oo lagu soo riday magaaladaasi.

Afhayeenka Booliska ee magaalada Riyadh ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Sacuudiga in ciidamada ammaanka ay ku howlanyihiin sugida amniga magaalada wuxuuna sheegay in diyaarad yar oo ah kuwa aan duuliyaha laheyn ee Drone ah oo ku soo dhowaaday goob ammaan ah oo ku taal xaafada Khuzama ee Riyadh.

Af-hayeenka ayaa yiri” waxaa socda baaritaan ku aadan sababta ka dambeysay diyaaradan yar oo aan duuliyaha laheyn ay ku soo dhowaatay Qasriga Boqortooyada Sacuudiga.

Xalay ayaa dhawaqa Rasaas laga maqlayay aga gaarka Qasriga Boqortooyada Sacuudiga taas oo socotay ku dhowaad sodon daqiiqo, waxaana baraha bulshada hareeyay hadal heyn kala duwan oo ka mid ahaa in afgambi uu ka dhacay Boqortooyada iyo warar kale.

Kooxda Xuutiyiinta ah ayaa muddooyinkii dambe gantaalo ku soo ridayay magaalada Riyadh, waxaan diyaaradii xalay loo maleynayaa in ay leeyihiin kooxdaasi.