Iska horimaad Xoogan ayaa waxaa uu xalay ka dhacay Duleedka Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan, kaasi oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan Booliska magalada Beledweyne iyo koox burcad ah oo la sheegay in ay dhibaateyn jireen dadka shacabka ah.
Taliyaha ciidanka amniga ee Magaalada Beledweyn ayaa KNN waxaa uu u sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen 2 dhalin yaro ah oo ciidamada la dagaalamay.
Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in ay ka hortagayaan kooxaha Dhaca ka geysta Duleedka magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.
Mudooyinkii ugu dambeeyay Shacabka ku safra wadooyinka waa weyn ee Gobalka Hiiran ayaa waxaa ay ka cabanayeen kooxo dhac u geysta dadka Shacabka ah.


