Somali News

Ciidamada booliska Beledweyne oo saakay heegan buuxa la galiyay.

Beledweyne-KNN-Gaashaanle Dhexe Maxamed Macow  Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne oo warbaahinta la hadlay  ayaa ka dalbaday ciidamada Booliska Baladweyne  in ay ka hortagaan dadka dilalka ka geysta gudaha Magaaladaasi.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Magaalada Beledweyne ay ka bilowdeen howlgal ka dhan ah dadka  falalka amni daro ka geysta Magaaladaasi.

Taliyaha ayaa waxaa ciidamada faray in ay heegan buuxan galaan, islamarkaana ay gacan bir ah ku soo qabtaan dadka dhibaatada ka geysta Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Hadalka Taliyaha ayaa waxaa uu soo aadayaa xilli Maalmihii dambe ay falal amni daro ay ka dhacayeen gudaha Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.