Qaahira-KNN=Ciidamada Amaanka Dalka Masar ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen 14 Qof oo Muwaadiniin Soomaaliyeed ah, Kuwaa oo ay Xabisg U Taxaabeen waxaa lagu qab qabtay xaafadaha ku yaalla Degmada Nasri City oo ah meel si weyn Soomaalida ay u degan yihiin.
Dadka la xir xiray oo isugu jira Arday iyo Qaxooti ayaa waxaa loo gudbiyay saldhig ku yaalla degmada Nasri City, si loo hubiyo in ay yihiin dad sharci ku jooga dalka Masar iyo in kale sida ay warbaahinta u sheegeen Jaaliyada Soomalida ah ee ku nool dalka Masar.
Ciidamada Amaanka ayaa waxaa la Sheegay inay gudaha u galeen Maqaaxida Soomaalida iyaga oo dadka weydiinayay sharciyada ay ku joogaan dalkaasi.
Mid kamid ah Soomaalida Masar ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay in si gaar ah Xaafadda Caashir uu howlgalkaan ugu dhacay, tirada intaa gaarayane lagu qab-qabtay.
Dalka Masar Waxaa La Tilmaamaa In Somalia Badan Oo Qaarkood U tagaan waxbarasho iyo Qar kale oo u taga Qaxooti ay ugu Danbeyn Ka Tahriibayaan iyaga oo badda gala una gudba wadamada Yurub.