Somali News

Ciidamada booliska Dhuusamareeb oo gacanta ku dhigay qaar ka mid ah Wadayaasha Mooto Bajaaj-ka

Dhuusamareeb-KNN-Wararka laga helayo  Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Maanta Saldhiga Booliiska la isugu geeyey dhamaan Wadayaasha Mootooyinka Bajaajta ee halkaasi ka howlgala, waxaana lala xareeyey Mootooyinkii, waxaa ayna gaarayaan  ilaa 20 Mooto .

Xogta aan helayno ayaa waxa ay sheegaysaa  in loo haysto Askari ka tirsan Ciidamada oo Xalay Bartamaha Magaalada looga Furtay Qori uu watay, iyadoona la sheegay in qoriga ay furteen Rag Bastoolado ku hubaysan, kuwaasi oo watay Mooto Bajaaj.

Qaar ka mid ah Wadayaasha Mooto Bajaajta oo diiday in Magacyadooda loo adeegsado warbahinta  ayaa KNN u xaqiijiyey inaysan lahayn wax Dambi ah, balse Shaqadoodii laga xayiray, waxaa ayna Hadalkooda ku sii dareen in laga qaado Lacago Canshuuro ah.

Xariga wadayaasha Mooto bajaaj ee  Magaalada Dhusamareb ayaa Saamayn ku yeeshay Dad waynihii isticmaalayey, kuwaasi oo Maanta Magaalada lagu arkayo iyagoo Lugaynaya ila iyo hadana majiro wax War ah oo ka soo baxay Maamulka iyo saraakiisha  Ciidamada.