Somali News

Ciidamada Booliska Galmudug oo gacanta ku dhigay dhalinyaro ku biiri lahaa AL-shabaab.

Ciidamada booliska dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxa ay gaari kala dageen dhalinyaro kuwaas oo ka yimid magaalada Hargeysa ee caasimada Soomaalilnad dhalinyaradan ayaana kusii jeeday deegaanka lagu magacaabo Luuq-jeelow oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo inta badan ay joogaan AL-shabaab.

Taliyaha Ciidanka ilaaliyaha baraha koontaroolada ee Gobolka Galgaduud Dhamme: Cabdi yare ayaa  sheegay in ragan oo lagu kala magacaabo, Jaabir xassan Diiriye iyo Yuusuf Cabdirisaaq kuwaas oo uu sheegay in ay Alshabaab kaga biireen Magaalada Hargaysa, isla markaana ay haatan tagi lahaayeen xero tababar oo ku taala gobolka Hiiraan  iyadoona ay sidaas , ciidamada booliiska Galmudug xogtooda heleen islamarkaana ay  gacanta ku dhigeen.

Sarkaal ka tirsan ciidamada booliska ayaa sheegay in dhalinyaradan ay qirteen in ay Al-shabaab u socdeen islamarkaana ay qeyb ka yiihiin kooxo dhalinyaro ah oo lagu shubay fikirka ay ku howlgalaan AL-shabaab ayna ka soo tagaan Somaliland islamarkaana ay ka  barbar dagaalamaan AL-shabaab.