Muqdisho-KNN-Ilaa seddax Weriye oo ka tirsan howlwadeenada Radio Kulmiye KNN ayay saaka jir dil iyo xarig kula kaceen ciidamada Booliiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.
Weriyaasha ayaa kolkii jir dilka iyo xarigga lagula kacay ku howlanaa tabinta Dibadbaxyo looga soo hor jeedo wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.
Waxaa jira weriyaal kale oo ka socday warbaahinada kale ee ka howlgala magaalada Muqdisho, kuwaas oo lala xiray Weriyaasha KNN.
Weriyaasha ayaa lagu kala xiray saldhigyada degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan, mana jirto wax sharci ah oo ay ciidamada Boolisku u cuskadeen xirigga Weriyaasha ku howlanaa soo tabinta cabashada dadka shacabka ah.


