Somali News

Ciidamada Booliska iyo nin hubeysan oo caawa Ku dagaalamay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Nin hubeysan ayaa caawa waxaa uu bambo gacmeed Ku weeraray saldhiga degmada Warta nabada ee Gobalka Banaadir.

Ninka hubeysan iyo ciidamada Booliska ayaa israsaaseen waxaa ay Ku dhexmartay nawaaxiga Saldhiga degmada Warta nabada, iyadoona intaa kadib ninka hubeysnaa la sheegay inuu galay guri ku yaala inta u dhaxeysa Xaafada Furayaasha iyo Isgoyska Cali kamiin ee degmada Warta nabada.

Intaasi kadib Ciidamo badan ayaa isku hareereeyay guriga uu ku jiray ninkaasi, waxaana la tilmaamay in ninka hubeysan uu guriga ka soo saaray qoyskii deganaa gurigaasi, waxaana intaa kadib dhacday in iska horimaad uu dhexmaray Ciidamada Booliska iyo ninka hubeysan.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in ninka hubeysnaa lagu toogtay guriga uu ka dhex dagaalamayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Booliska Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ninka hubeysan ,mana jiraan wali faahfaahin intaasi dheer oo laga helayo isku horimaadka dhexmaray Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo ninka hubeysnaa.