Uncategorized

Ciidamada Booliska Jaziiradda Maalta oo xiray Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Muqdisho-KNN-Sida ay qoreen Wakaaladaha caalamiga ah Ciidamada Booliska Jasiirada Malta ayaa saacadihii la soo dhaafay xiray labo nin oo Soomaali ah ka dib markii lagu eedeeyay in ay dambiyo kala duwan ay ka galeen Jaziiradaasi ,islamarkaana ay ciidamada Booliska ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan sida uu sheegay afayeen u hadlay Booliska Maalta.

Booliska waxa ay sheegeen in labadaan nin lagu eedeeyay in ay geysteen Fal xatooyo ah ,haddana ay ku socoto baaris.

Magacyadda labada Muwaadin oo ay xireen Ciidamada Booliska Malta ayaa lagu kala Magacaabaa  Shaban Aadan Jaamac oo 21 sano jir ah iyo Maxamed Xabiib Xaashi 22 sano jir ah.

Labaddaan nin ayaa lagu eedeeyay in ay dhaceen alaab uu watay nin u dhashay dalka Ruushka, islamarkaana ay Magaalada ku dhex carareen Ciidamada ayaana ugu dambeyntii ku guuleystay in ay soo qabtaan.