Somali News

Ciidamada Booliska oo Xalay baaritaano ka sameeyay Degmada Warta Nabada.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay Waxaa ay baaritaano ka sameeyeen degmada Warta Nabada ee Gobalka Banaadir.

Baaritaanka oo inta badan ka dhacay Xaafadaha  ka agdhow  Isgoyska Cali Kamiin ilaa Furayaasha ayaa waxaa lagu soo qabtay Dhallinyaro farabadan.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in Baaritaanada laga sameynayay xaafadaha iyo wadooyinka waa weyn ee Degmada Warta Nabada lagu soo qabtay dhalin yaro aad u fara badan.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay kordhiyeen baaritaanada ay ka sameynayaan degmooyinka Gobalka Banaadir.