Uncategorized

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Wariye ku xiray magaalada Jowhar.

Jowhar-KNN-Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa soo sheegaya in maanta Ciidamada Booliiska ay xirayn Wariye ka tirsan Saxafiyiinta ka Howlgala Gobalka Shabeelaha dhexe.

Yuusuf Abuukar Ibraahim Wakiilka Idaacadda Kulmiye ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa soo sheegaya in Saxafi lagu magacaabo C/Shakuur Shaa-shaa maanta gilinkii dambe lagu xiray Jowhar Lamana oga sababta ka dambeysa.

Wariyaha la xiray ayaa la sheegay in Xarun Idaacadeed oo ku taala Jowhar ay ka wadeyn Ciidamada Booliiska, waxayna u sheegayn in lagu xirayo amar ka soo baxay Maamulka G/Shabeelaha Dhexe.

Mas’uuliyiinta Gobalka iyo Saraakiisha amaanka ee Jowhar ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan Saxafiga la xiray kadib markii ay sheegeen in uu baahiyay warar been ah oo maamulka laga sheegay.

Warar dheeraad ah oo ay heshay KNN ayaa sheegaya Saxafiga la xiray uu bartiisa Facebook iyo Idaacad uu ka shaqeeyo uu ku baahiyay Warar Catiifad ay ka muuqato, si gaar ah Bartiisa Facebook ayaa la sheegay in uu ku qoray warar ka dhan maamulka Gobalka.