Uncategorized

Ciidamada Ciraaq oo ku duulay magaalo ay Daacish maamusho

Baqdad–KNN–  R/wasaaraha dalka Ciraaq Xaydar Al-Cabadi ayaa amray duulaan lagu qaado magaalada Xawiji oo ay haystaan kooxda isku magacawday Khilaafadda Islamka ee Daacish.

War kasoo baxay xafiiska R/wasaare Xaydar ayaa lagu sheegay in ciidamada qaranka dalkaasi ay duulaan ku qaadayaan magaalada Xawiji waxaana duulaankaas uu bilowday maanta oo Khamiis ah.

R/wasaauhu waxaa uu u sheegay dagaalamayaasha Daacish ee ku sugan magaalada lagu duulay inay is dhiibaan ama magaalada iskaga baxaan.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ay duqeyn magaalada ka bilaabeen waxaana magaaladaas iskaga baxay inta badan dadka rayidka ah.

Magaaladaan oo ka tirsan gobolka Kirkuk waxay caasimada Ciraaq ee Baqdad u jirtaa 240 km dhanka waqooyi.