Muqdisho-KNN-Ciidamada dalka Filibiin ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen 3 ruux oo la aaminsan yahay in ay damacsanaayeen inay is qarxiyaan sida ciidamadu sheegeen.
War ciidamada kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamo ku sugnaa bar kontorool ay joojiyeen mooto ay la socdeen 3 ruux oo labo ka mid ah ay xirnaayeen suuman qaraxyo ku xiran yihiin is rasaaseyn kadibna waxaa la dilay labada ruux oo la tuhunsanyahay inay ka tirsan yihiin ururka Daacish.
Taliyaha ciidamada Filibiin ee jasiiradda Joolo oo ah halka weerarku ka dhacay Cirilito Sobejana waxaa uu sheegay in labada ruux ee qaraxyadu ku xirnaayeen ay u dhasheen dalka Masar waxaana uu intaa ku daray in qof kale uu u dhashay dalka Filibiin.
Labada ruux ee Masaarida ah ee doonayay inay is qarxayaan ayay ciidamadu sheegeen inay ahaayeen wiil iyo aabihii waxaana ay ka tirsanaayeen ururka Daacish.
Lama oga halka uu bartilmaameedkoodu ahaa hase ahaatee ururka Abuu Sayaaf oo ka dagaalama dalka Filibiin kuna xiran ururka kale ee Daacish ayaa weeraro dhiig badan ku daatay waxay ka geysteen dalkaas.