Somali News

Ciidamada dawladda oo labo qof ku dilay Suuqa Xoolaha

Muqdisho-KNN-Warar goordhaw aynu ka helnay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaa lagu dilay Labo nin oo la sheegay in ay rasaas ku fureen ciidamada dawladda.

Dhanka kale hal askari ayaa geeriyooday waxaana la sheegay in ragga la dilay ay wateen gaari caasi ah oo ay xilligan gacanta ku hayaan ciidamada amaanka.

Ilaa iyo hadda lama oga kooxda ay ka tirsanyihiin ragan, balse waxaa waxa uun la ogyahay in ay isku dhaceen iyaga iyo ciidamada xilli ay ciidanku ku jireen hawlgal amni.