Somali News

Ciidamada deegaanka oo weerar ku qaaday fariisin ay Al-shabaab ku la hayeen deegaanno u dhaw Beledwayne

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay Ciidamada Macawisleey ee Gobolka Hiiraan ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ku leeyihiin degaannada Baarrey iyo Dhogor oo koonfur ka xiga magaalada Beledweyne.

Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Macawisleey iyo Al-shabaab ayaa halkaas ka dhacay sida laga soo xigtay goob-joogayaal kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Macawisleey ay dhammaan la wareegeen farisiimihii dagaallamayaasha Al-shabaab ku lahaayeen tuulooyinka Baarrey iyo Dhogor ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Macawisleey ayaa la sheegay in ay burburiyeen doonyo nooca yar yar ah oo malayshiyaadka Al-shabaab ugu xirnaa jiinka webi Shabeelle islamarkaana ay hadda ku sugan yihiin goobihii lagu dagaallamay.