Somali News

Ciidamada DF oo xoog ku kala eryey banaanbax ay dhigaayeen bajaajleyda Muqdisho

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xoog ku kala eryay dhalinyarada ku shaqeysata mooto bajaajta kuwaas oo banaanbax ka dhigaayey magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradan ayaa ka cabanaayey maamulka gobolka banaadir oo ay sheegeen in ay ka qaadaan canshuur balse aan waxba loogu qaban islamarkaana ay wadooyinka Muqdisho ay xireen biyo.

Ciidamada ayaana markii danbe u adeegsaday dhalinyarada rasaas nool nool halka qaar kalena ay loo taxaabay xabsiga ciidamada ayaa sidoo kale awood u adeegsaday banaanbaxayaashan.

Banaanbaxan ayaa waxa uu ku soo aadaya xili maalmihii lasoo dhaafay roobab xooggan ay ka da’aayeen magaalada Muqdisho kuwaas oo biyahoda ay gooyeen wadooyinka qaar ee gobolka banaadir.