Somali News

Ciidamada Difaaca Kenya oo sheegay in ay ka hortageen Shabaab weeraray xaafado ka tirsan Ismaamulka Lamu

Ciidamada  Difaaca Kenya ee fadhigoodu yahay  ismaamul xeebeedka Lamu ayaa waxaa ay sheegteen In ay iska caabiyeen in ka badan 50 dagaal yahan oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen al-shabaab weerarna ay kusoo qaadeen Xaafada Pandanguo oo halkaasi ku taala.

Iska hor imaad aad u xoogan oo bilawday abaare 10kii iyo qadar 30 daqiiqo ah oo xalay fiidnimadii ayaa waxaa uu socday mudo 5 saacadood ah sida saraakiil u hadlay ciidanka warbaahinta u sheegeen.

Adan Golja waa mid kamid ah dadka deegaanka waxuu warbaahinta u sheegay in kooxdii weerarka soo qaaday ay isku dayeen in si awood ah xaafadaasi kula wareegaan balse ciidamada ay iska caabin kala kulmeen.

Warbixin horu dhac ah oo ay soo saareen sirdoonka Kenya ayay ku sheegeen   in weerarkaasi ay qayb ka ahaayeen muwaadiniin Soomaali ah kuwo Kenyaan ah iyo waliba kuwa kale oo haysta dhalashada dalka Maraykanka.

Dowadda Kenya ayaa Ciidamo dheeraad ah waxaa ay gaysay ismaamulada Mandheera,Wajer,Gaarisa iyo Lamu oo ay todobaadyadii ugu dambeeyay al-shabaab weeraro kala duwan ka gaysteen iyadoona haatan wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya ismaamulka Lamu ay sheegayaan in Baaritaano xoogan halkaasi ka wadaan ciidamada Amniga.