Somali News

Ciidamada Dowaladda soomaaliya oo howlgallo ballaaran ka sameeyay Gobolka Gedo.

Beled-Xaawo-KNN– Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo howlgalo qorshaysan ka sameeyay deegaanada hoosyimaada Magaalada Beled-xaawo Ee Gobolka Gedo.

Saraakiisha howlgalkan hogaaminaysa ayaa sheegay in holgalka uu yahay mid lagu xaqiijinayo Ammanka magaalada, iyadoona saraakiisha ay sheegeen inay soo qab qabteen dad lagu tuhmayo inay katirsan yihiin Kooxda Alshabaab.

Holgalka ay sameeyeen Ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka qaranka Beled-xaawo ayaa sigaar ah ka dhacay deegaanada lagu kala magacaabo ,Qaniyaale ,Kamoroow iyo deegaanka Towsileey ee kawada tirsan Gobolka Gedo.

Taliyaha Nabad Sugida Degmada Beled-Xaawo Cabdullahi Cumar Cilmi ayaa sheegay in Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaannada howlgalka laga sameeyay ay isaga tageen.

Sidoo kale taliyaha waxaa sheegay inay ballaarinyaan howlgallada ka dhanka ah Kooxda Alshabaab.